Cilmidhegoodka Geeska Afrika

Cilmidhegoodka Geeska Afrika: hordhac1

Soomaalida waa dad dhaqan ahaan aan hidde u lahaan jirin inay wax qoraan. Taasi waxay had iyo jeer sababtaa inay lumaan taariikhda asalraaca ah ee ay leeyihiin bulshooyinka noocan oo kale ah “oral society”. Gaar ahaan soomaalida oo ay u dheer tahay reer guuraannimo, ma laha wax hadhaa reeba oo loo qaadan karo tixraac. Qoraalkan oo taxane ahaan ugu soo bixi jirey degelka redsea-online.com waxa aynu kaga hadli doono cilmi-dhaqameedka xiddigiska ee soomaalida, waxaan si dulkaxaadis ah ugu eegi doonaa hababka tirsiimo ee taariikh ee saamayn ku yeeshay kaalendarka soomaalida. Ka eeg http://www.redsea-online.com/calendar barmaamij isugu kaa beddelaya taariikh Soomaali, Islam iyo Gregorian.
Habeentiris: Islaamka ka hor, Soomaalidu ma lahayd Kaalendar dhaqameed soo jireen ah?
Erayada “Calendar” iyo “Leap year” waxaan marmarka qaarkood u isticmaali doonaa sidooda iyagoo la afsoomaliyeey dhawaaq ahaan waayo ma aqaano eray af Soomaali ah oo u dhigma. Hayeeshee markaan ka hadlaayo kalenderka Soomaaliga waxaan marmarka qaarkood u isticmaali doonaa erayada “Habeentiris”, “toomman” iyo “qun-dhalad” oo kala ah sidan:
Habeentiris: waa xirfadda ay lahaayeen dad aad u yar oo xiddigis ka ku wadi jirey bulshada reer guuraaga ah. Waa hab dhaqameedka xisaabinta bilaha iyo xilliyada reer guuraaga. Sidaa darteed waxaan u isticmaali doonaa “Habeentiris” macnaha erayga “Calendar”.
Toomman iyo Qun-dhalad: habka tirsiimo ee bilaha ee dhaqanka soomaalida, waxaa la xisaabin jirey maalmaha dayaxa, iyadoo loo qaybin jirey bilaha dayaxa laba qaybood. Bilo qun-dhalad ah oo ku dhamaada 30 habeen iyo bilo tooman ah oo dhammaada 29. Markaa erayga “leap year” waxaan u isticmaali doonaa “sannad toomman” ah markaan ka hadlaayo kaalendarka soomaalida.

Habeentiriska Gregory (Gregorian Calendar)
Kaalendarka laga isticmaalo waddamada reer galbeedka iyo meelo kale oo badan oo dunida ka mid ah waxaa la yidhaahdaa tirsiimada Gregory (Gregorian Calendar). Waxaa ku dhawaaqay Pope Gregory XIII, waxaanuu ka dhaqan galay badiba waddamadii lagu xukumaayay diinta kiristaanka, gaar ahaan Kaatoliga, markay taariikhdu ahayd 1582kii (julian calendar). Wixii xilligaa ka horreeyay waxaa dalalkaa laga isticmaali jirey kaalendarkii “Julian Calendar” ee uu Giulio Cesare ku dhawaaqay 46 dhalashadii Nebi Ciise (NKH) horteed.
Kaalendarkan cusub (Gregorian) waxaa lagu saleeyay tirsigii Giulio Cesare oo maalintaa Gregorian-ku bilaabmaayay ay taariikhdu ku ahayd 4tii Oktoober 1582, isuna beddeshay 15kii Oktoober 1582kii ee kaalenderkan cusub (Gregorian Calendar).
Farqiga u dhexeeya tirsiimada Giulio Cesare iyo tan Pope Gregory XIII waa mid aad u yar.

Gregory wuxuu saxayaa qalad yar oo ku jiray Giulio Cesare, kaasoo ah sixitaanka bisha feebaarwari ee afartii sannadoodba:

• afartii sannadoodba Giulio Cesare tirsiimadiisu waa “leap year”, kaasoo ay bisha feebarwari noqoto 29 cisho, halka ay sida caadiga ka tahay 28. Macanaha sannad kasta oo u qaybsama 4 waa “leap year”.
• halka tirsiimada Gregory aanay noqonayn “leap year” sannadaha u qaybsama 100, haddii aanay islamarkaana u qaybsamin 400. Macnaa sannadaha soo afjara qarni ma aha “leap year” hadaanay u qaybsamin 400. Tusaale: 2000 waa “leap year” waayo wuxuu u qaybsamaa 4, 100 iyo 400; halka 2100 uu ka yahay sannad caadi ah waayo inkasta oo uu u qaybsamo 4 iyo 100, hadana uma qaybsamo 400.
Tirsiimada Giulio Cesare iyo tan Gregory labaduba maalintu waxay bilaabantaa habeenkii saqda dhexe 12.00 habeenimo. Celceliska sannadkii ee tirsiimada Gregory waa 365.2425 maalmood, taasoo marka loo eego haddii ay qorraxdu marwalba dul mari lahay dhulbadhaha (365.24219878 maalmood) ku qaadanaysa 3300 oo sannadood inuu maalin qaldamo kaalendarku.

Habeentiriska Islaamka (Islamic Calendar)
Calendarka islaamku wuxuu la kowsaday safarkii Nebi Maxammed (NNKH) uu kaga haajiray Maka ee uu Madiina ku tagay oo ku beegnayd 19kii Julaay ee sannadkii 622 (Gregorian) amase 16kii Julaay ee sannadkii 622 (Julian). Tirsiimadan Islaamku waxay ku salaysan tahay dayaxa, waxaanuu sannadkeedu ka koobanyahay 12 bilood oo iswaydaaranaya oo midina tahay 30 midina 29, oo sannadka “leap year”-ka ahi ay bisha u danbaysaa ay ku dhammaanayso 30 (xataa hadday ahaan lahayd 29).
Sannadku si uu u noqodo “Leap year” waxa uu raacaa kalgal soddon sannadoodle ah oo ay sannadaha 1, 5, 7, 10, 13, 16, 18, 21, 24, 26, and 29 yihiin “leap year”. Macnaa 30kii sannadoodba 19 waa sannado caadi ah oo ka kooban 354 maalmood, 11 sannadoodna waa “leap year” oo ah 355 maalmood. Sidaa darteed celceliska sannadkii waa ((19 × 354) + (11 × 355)) / 30 = 354.366666666 maalmood. Haddii loo qaybiyo 12, markaas bishiiba waxay noqonaysaa celcelis ahaan 29.530555555 maalmood, oo aad ugu siqaysa celceliska faraqa u dhexeeya aragtida bil cusub (marka ugu horraysa ee dayaxa la arko) iyo bisha ku xigta. Sidaa daraadeed marka dayaxa loo eego, 2525kii sannadoodba tirsiga islaamku wuxuu qaldamaa maalin.
Maadaama uu tirsiga Islaamku ku salaysan yahay dayaxa oo aanu ku salaysnayn qorraxda sida Gregory iyo Julian, biluhi waxay isla beddelaan xilliga, taasoo sababta in bil kastaa bilaabanto 11 cisho ka hor xilligii ay bilaabantay sannad ka hor tirsiimooyinka taariikheed ee ku salaysan qorraxda (Gregorian, Julian, iwm.) Tusaale ahaan hadday bisha Ramadaan bilaabantay sannadkii 2004, bishii oktober 15keedii (Gregory), sannadka 2005 waxay bilaabmaysaa Oktoober 4teeda.

Habeentiriska Soomaalida (Somali Calendar)
Dhulka Soomaalidu ku nooshahay badankiisa hadda waxaa laga isticmaalaa labada tirsiimo ee Gregorian-ka iyo Islaamka. Halka had iyo jeer dowladuhu ka isticmaalaan habeentiriska Gregorianka, dadwaynuhu waxay gooraynta ku xusan diinta Islaamka (ramadaanka, bixinta sekada, xajka, ciidaha, iwm), iyo goobaha diinta (Masaajidka, Malcaamadaha qaarkood, iwm) u isticmaalaan habeentiriska islaamka. Waxay taasi in badan ku riddaa jaha wareer dadwaynaha, oo lagaba yaabo inaanay da’yartu aqooninba tirsiimada kaalendarka islaamka.
Waxaa kale oo jirta iyana in ay soomaalidii hore lahaan jirtey tirsiimo u gaar ah. Habeentiriska soomaalida oo ka horeeyey intii aan diinta islaamka soo gaadhin. Habeentiriskaas oo u baahan baadhitaan xooggan waxaa waxoogaa ka daah furay alle ha u naxariistee Muse X. Ismaaciil Galaal. Gooraynta soomaalidu ma lahayn bar bilow, sidaa darteed malaha tirsiimo sannadeed. Soomaalidu waxay tirsan jirtay xilli, dhererka xilligaasi wuxuu ku xidhnaa dhacdo gaar ah. Waxaa inta badan lagu magaacaabi jirey xilli kasta dhacdooyinka yimaadda (xilli barwaaqo ah, mid abaareed, mid colaadeed, dayax madoobaad, iwm.). Tusaale ahaan waxaad maqlaysaa hebel wuxuu dhashay “xaaraame-cune” hortii yar, ama “abaartii daba-dheer” dabadeed.

Hayeeshee Soomaalidu waxay lahayd habtiris waadix marka loo eego bilaha iyo maalmaha. Marka ay Soomaalidu iswaydiinayso taariikhda waxaa sida caadi ah la iswaydiiyaa “waar maanta bishu waa immisa?” iyadoo loo jeedo “taariikhdu waa immisa?”. Arrintanu waxay sal ku leedahay habdhaqameedka habeentiriska Soomaalida oo ku koobnaa bisha iyo maalmaha.
Habeentirska biluha ee Soomaalidu wuxuu ku salaysanyahay dayaxa, waxaanuu la bah wadaagaa kan islaamka. Magacyada loo yaqaanno biluhu waxay ku kala duwan yihiin degmooyinka ay Soomaalidu degto. Tusaale ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalada burco iyo agagaarkeeda, ilaa hawd, waxaa loo yaqaannaa:

Af Soomaali:
Tirsiga Soomaalida sida Burco looga yaqaan

Dago (ama Sako) Bil Dhurro Hore Bil Dhurro Danbe Rajal Hore
Rajal Dhexe Rajal Danbe Sabbuux Waaberriis Soon
Soon Fur Sidataal Carrafo

Af Carabi:
Tirsiga Islaamka

Muharram Safar
Rabial-Awwal Rabiath-Thani Jumada l-Ula Jumada t-Tania Rajab
Shaban Ramadan Shawwal Dhu l-Qada Dhu l-Hijja

Maadaama ay haddaba bilaha Soomaalida ku salaysan yihiin dayaxa, islamarkaana aad ugu dhowyihiin kuwan habeentiriska islaamka, waxaynu iswaydiinaynaa siday u xisaabin jireen kalgalka maalmaha ku salaysan qorraxda ee ay caado-xusi jireen ee aan diinta islaamka shaqo ku lahayn. Tusaale waxaynu usoo qadanaysnaa “Dabshidka” ama “Nawriishka”. Dabshidku waa bilowga sannadka habeentiriska Soomaalida. Aqoonyahan dhaqameedka bulsho reer guura ah u go’aamiya habeenka dabshidku wuxuu isticmaali jirey, sida uu xusay Muuse Ismaaciil Galaal, isugaynta bilaha qun-dhalad iyo kuwa toomman oo isku noqda 354 cisho, markaas buu ku dari jirey 11 cisho dhammaadka bisha carrafo. Halkaas buu wuxuu si lama-ilduufaan ah ugu simi jirey bilowga sannad qorrexeedka (xilliga roobka). Markaa, tusaale ahaan, bisha dabshidku soo galayaa wuxuu is beddelaa saddexdii sannadoodba mar. Marka kowaad wuxuu dhacaa bisha horraanteed, sannadka ku xigana bisha badhtankeeda, sannadka saddexaadna dhammaadka bisha. Sannadka afraad buu u gudbaa bishaa bisha ku xigata, kuna nagaadaa saddex sannadood.
John A. Hunt wuxuu leeyahay habeentiriska Soomaalidu wuxuu ku salaysan yahay isku-dhaf
ah:

  1. habkii hore ee persianka (oo aanaynu halkan kaga hadal)
  2. habeentirska islaamka
  3. hab lagu saxo tirsiga dayaxa oo saddexdii sannadoodba ku sima tirsiga qorraxda si ay isu waafaqaan xilliyada roobka.
    Waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo midkood odhanayso habeentiriska Soomaalida ee sannadku waa mid kalgal 7aadle ah, oo toddobadii sannadoodba waxaa loo tiriyaa sannad. Maqaalada oo soo socda ayaynu kaga hadli doonaa si qota dheer habeentiriska dhaqameed ee Soomaalidu lahaan jirtay.

Nayruush iyo Meherajaan
Waxaynu hore u carrabownay saamaynta loo maleeyo in uu kaalendarkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska Soomaalida [Jama Musse Jama, 2005]. Waxaynu si gaar ah u eegi doonaa
laba eray oo ku caan ah habeentiriska Soomaalida iyo xilliyeyna roobka, oo aynu maqaalada soo socda si qoto dheer uga hadli doono. Nayruush iyo Meherajaan. Waxaynu qeexi doonaa labada eray ee afka Farsi-ga ee Persia, oo dhawaaq ahaan ay isku midka yihiin: Nawruz iyo Mihrigan.
Nawruz (Naw-ruz) afka Farsi-ga waa maalinta uu bilaabmo sannadka kaalendarkii hore ee Persia, waana bilowga bisha Frawadin ee tirsigaas; wuxuu ku beegan yahay qiyaastii 21(22) bisha maarch ee tirsiimada Gregorianka. Waa marka ay cadceeddu bilowdo inay dulmarto dul marto Equinox -ka. Sannadku wuxuu ka kooban yahay 365 maalmood oo u qaybsana 12 bilood. Tirsiga kaalendarkani wuxuu ku salaysan yahay qorraxda, wuxuu la kowsaday habeentiriska islaamka ee ku beegan 622 C.D (oo ku beegan ambabixii nabi Maxammed NNKH). [S. H. Taqizadeh, 1938].
Erayga Mihr wuxuu u taagan yahay, marka loo eego diimihii casru-jaahiliga ee laga isticmaali jirey Persia, macnayaasha “cadceed”, “heshiis’, ‘naxariis’. Bisha toddobaad ee Sannadka kaalendarkaa Persia iyo maalinta lixiyotobnaad ee bil kastana waxaa Persia laga yidhaahdaa Mihr. Markaa maalinkasta oo bishu tahay 16 waxaa loo dabbaaldegi jirey Mihr-ruz oo macneheedu yahay ‘Maalintii Cadceedda’. Erayga Mihrigan waxa uu asalkiisu kasoo jeedaa halkaas [eeg Warbixino online ah: http://www.persia.pdx.edu].
Sannadka kaalenderkaa hore ee Persia wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo ku salaysan xilli roobeedka. Bilowga jiilaalka oo la yidhaahdo Mihrigan iyo bilowga gu’ga oo la yidhaahdo Nawruz, islamarkaana ah bilowga sannadka. Markii ay carabtu qabsatay, ee Persia uu ka dhaqan galay kaalendarkii islaamku, xafladdii Mihrigan way ka sii socotay Persia, waxaana loogu yeedhay afcarabi ahaan Mihrajan, halka xafalddii Nawruz oo ahayd mid ka dheer tan Mihrajan-ka oo cishooyin badan socota la mamnuucay waayo waxaa la samayn jirey caadooyin diinta islaamka kasoo horjeeda oo casri jaahiligii lagu dhiqmi jirey.
Wali Iran xafladdaha ugu waawayn ayay ka mid tahay tan Nawruz-ku. Waxyaabaha xafladda Nawruz-ka la sameeyo kasii nool, gaar ahaan maalinta Arabacada ee u danbaysa sannadka dhamaanaya, waxaa ka mid ah in dadku isugu soo baxaan debedda habeenkaas ilaa fiidka oo inta ay dab shidaan ay ka dul boodaan. Xafladdaas oo la yidhaahdo “Shabe Chahar Shanbeh Suri”, waxay dadku ku heesaan, “Ololku waa wanaage ka dul bood dabka, oo iska fogee nasiibka xun”, waxay kaloo ku celceliyaan “sorkhiyeh to az man, zardieh man az to” oo macneheedu yahay “(ololyohow) isii midabkaaga cas ee caafimaadka leh, oo iga qaado midabkayga cawlaanka ah”.
Hadaba dabshidka, ama dabtuurka, ama nayruushka, carriga Soomaalida laga isticmaali jirey [la soco qaybta saddexaad ee taxanahan], macnihiisa ah bilowga sannadka qorraxda iyo kala qaybinta xilliyada roobka, iyo waliba shidista dabkuba waxay caddaynayaan in xidhiidh wayn ay leeyihiin labada habeentiris, oo erayga Nayruush ee soomaligu uu kasoo jeedo Nawruz-ka afka Farsiga ee Persia. Inkastoo aanay isku xilli ku beegnay labada xafladood, hadana waxay labada dhacdo ku beegan yihiin bilowga sannad ee labada carri.
Waxaa kale oo iyana aad u xiisa badan isu ekaanshaha erayada Mehrajaan iyo Mihrigan (oo afcariba loogu dhawaaqo Mihrajan). Waxay taasi iyana xoojinaysaa fikradda ah in dhaqankii Persia uu taabasho xoogleh ku yeeshay cariga Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo xeebta badda casa.

Xilliyada
Maqaaladii hore waxaynu kusoo carrabaabnay kaalenderada saameeyey habeentiriska laga isticmaali jirey dhulka Soomaalida. Kuwaas oo kala ahaa Gregorian-ka reer galbeedka, kaalenderka Islaamka, iyo tirsiga laba-iyo-toban bilood oo raaca dayaxa, sidaa darteed aad ugu dhow kan Islaamka oo bilihiisa la afsoomaaliyeey. Waxaynu hadaba maqaalakan ku eegaynaa hab afraad oo ah habeentiriska gaarka u ah Soomaalida, oo sida aynu ku aragnay maqlaakii hore [Jama Musse, J. 2005a], xidhiidh wayn la leh kaalenderkii hore ee Persia. Sida aynu arki doonose wuxuu ku salaysan yahay cimilada iyo roobabka ka da’a dhulka Soomaliland.

Tirisagani wuxuu bilaabmaa habeenka Dabshidka (Nawruushka), oo ah habeenka kowaad ee
xilliga la yidhaahdo Seermowaydo. Waa hab tirsiimo oo waagii hore laga isticmaali jirey carriga Soomaalidu dagto. Dabshidku waa halka ay ka unkanto xisaabinta iyo kala xadaynta xilliyada sannad qorrexeedka, saadaalinta cimilada, hawada iyo roobka. Waa habkii reer guuraagu ku go’aamin jireen waxyaabo badan oo noloshooda ah (sida guuritaanka, hayaanka, in adhiga maqasha laga xidhxidho, in sumalka idaha lagu sii daayo, iyo in baarqabka geela lagu furo, ama habeenkaa looba tu’iyo, iwm.)
Dabshidku wuxuu had iyo jeer dhacaa dhammaadka xilliga Xagaaga, oo ah xilli qallalan oo ay degaanka Somaliland badankeeda ay daruuruhu dul joogaan. Inta badan wuxuu dhacaa dabshidku afarta cisho ee u horeeya bisha siddeedaad (Oogost) ee kaalendarka Gregorianka.

Qaybinta Guud ee Sannadka:
Soomaliland badankeeda, ilaa Jigjiga (Itoobia) agagaarkeeda, afartanka cisho ee ku xiga Dabshidka waxaa la yidhaahdaa Dayr-Xalalood, waxaana soo afjarma dabaysha mansoonka ah ee awoodda yar ee kasoo dhacda koonfur-galbeed. Labaatanka cisho ee ku xiga waxaa la yidhaahdaa Dayr Xabbis, waxaana da’a roob yar oo teel teel ah. Soddonka cisho ee ku xiga waxaa la yidhaahdaa Dayr Dirir, waana marka ay bilaabanto dabaysha mansoonka ee waqooyi-bari, oo keenta roobab badan. Halkaana waxaa ku ekaada saddexda Tus ee ay dayrtu ka kooban tahay. Dayrtu waa waax (1/4) sannadkii, waana 91 cisho.
Waxaa markaa bilaabma waaxda (1/4) labaad ee sannadka oo ah Jiilaal, oo isna u qabysama saddex xilli hoosaad oo kala ah: Dayr-Dambasame, Wajiine iyo Xays. Jiilaalku wuxuu noqdaa qiyaastii guud ahaan 92 maalmood.
Qaybtaa kowaad ee sannadka (91+92=183 maalmood) iyo sannadka intiisa kale waxaa lagu kala qaybiyaa xilli kooban oo la yidhaahdo Mehrajaan (gap), oo u dhigma bil-dayaxeed dhalata ama ku beegan bisha Feebarwari ee kaalenderka Gregorianka. Maalmahaa buuxinaya xilliga jiilaalka oo qiyaastii noqda 25 cisho waxay soo afjaraan qaybta kowaad ee sannadka.
Waaxda (1/4) saddexaad ee sannadka waxaa la yidhaahdaa Gu’, waxaana ay u kala qaybsanataa afar xilli hoosaad oo kala ah Toddob, Daydo, Seermawaydo iyo Cawl.
Waaxda afraad waa Xagaa, waxaanay u kala baxdaa laba xilli hoosaad oo kala ah Dirir Sagaaro (ama dirir sagaalo) iyo Adhi caseeye.
Markale si la isugu simo ayaamaha baaqiga ka noqon kara sannad qorrexeedka iyo qaybinta xilliyada kor ku xusan ee lagu saleeyay (sida aynu hoos ka arki doono) cimilada, xiddigis iyo sannad dayexeedka, waxaa lagusoo afjaraa sannadka mar kale xilli gaaban oo isna la yidhaahdo Mehrajaan (gap).
Sannadka haddana waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood oo waawayn. Qaybta koowaad (Dayr + Jiilaal) ee sannadka waxaa laysku yidhaahdaa Jiilaalka, halka qaybta labaad ee (Gu’ + Xagaa) laysku yidhaahdo Gu’ga oo ah 182 habeen. Sidaasaana mar kale sannadka tirsiga Soomaalida ee kusalaysan qorraxda iyo dayaxa uu hadana u noqda 365 maalmood.
Markaanu haddaynu shax ahaan kusoo koobno qaybinta sannadka ee habeentiriska soomalida iyo xilli hoosaadyadiisa waxa uu noqonayaa sidan:
Go’aaminta bilowga xilli hoosaadyada iyo dhaqanka reer guuraaga
Waxaynu soo aragnay in dayrta loogu qaybiyo si qeexan saddex Tus oo raaca maalmo tiro go’an ah oo lagu beddeli karo kaalenderka Gregorian-ka, haddaba waxaynu iswaydiinaynaa siday soomaalidu u goysaa bilowga xilliyada kale. Maqaalkan waxaynu ku eegaynaa Gu’ga xilli hoosaadyadiisa. Waxaynu kale oo ku eegi doonaa waxyaabaha ay sameeyaan reer guuraagu marka uu xilli cusubi soo galo, innaga oo tusaale u qaadan doona sida idaha sumalka loogusii daayo.

Curashada Gu’ga
Xilli hoosaadka kowaad ee gu’gu waa Toddob sidaynu hore usoo aragnay. Toddobku wuxuu bilaabmaa habeenka 200aad marka lagasoo tiriyo Dabshidka, waxaanuu kusoo beegmaa habeenka ay kulmaan dayaxa iyo xiddigaha la yidhaado Urrurku (Pleiades). Habeenkaasi waa bil- dayaxeedka 13keeda ama 14keeda. Waxaanuu socdaa qiyaastii ilaa 25 cisho. Inuu Toddobku dhaco bisha 13keeda ama 14keeda waxa ay u baahan tahay baadhitaan dheeri ah, inkasta oo Muuse X. Ismaaciil Galaal uu fikrad ka bixinaayo arrinkan isaga oo ku sharraxaaya dhalashada bil dayexeedku kolba godka2 ay ka dhalato [Galaal M.X. I, 1968].
Daydo waa bil dayexeedka curata Maarj dhexdeeda, waxaanay socotaa ilaa 25 cisho. Waxaana soo afjara bilowga dirirka Seermawydo.
Seermawaydo waa bil dayaxeedka curata Abriil dhexdeeda, waxaana ay socotaa qiyaastii ilaa 25 cisho ugu badnaan.
Ugu danbayn waxaa soo gebagabeeya Gu’ga xilli hoosaadka Dirir Cawl oo ah bil dayexeedka dhalata bisha May dhexdeeda. Xilli hoosaadkani wuxuu qiyaastii noqdaa ilaa 25 cisho.

Goormaa Sumalka lagusii daayaa Idaha?
Shan-iyo-labaatanka cisho ee Seermawaydada dabayaaqadoodu waa ayaamaha ugu wanaagsan si ay dhashaan nayluhu. Waayo roobkaa waxoogaa ka hor da’ay oo dhulku doog buu leeyahay xilligaas. Waana sababta sumalka loogusii daayo idaha habeenka Dambasamo oo ah dayrta gebagabadeeda iyo bilowga Jiilaalka.
Iduhu waxay ilmaha ku qaadaan caloosha 147 habeen, laakiin mar haddii la gaadho habeenka 142aad waxaa la filaa inay naylaha ugu horreeyaa dhashaan. Markaa habeenka Dambasamo ee sumalka lagusii daynayo idaha, waxaa loo xisaabiyaa sidan: maadaama la doonayo inay nayluhu dhashaan dabayaaqada Abriil ilaa horraanta May (oo ku beegan 25ka cisho ee Dirir Seermawaydo), waa inay iduhu rimaan oo caloosha ku qaadaan ilmaha dabayaaqada Dayrta ilaa bilowga jiilaalka oo ku beegan horraanta xilliga Dayr Dambasme oo ku beegan dabayaaqada November ilaa horraanta Diisember ee tirsiga Greogrianka.
Marka ay iduhu rimaan ayaa haddana laga soocaa wananka qoodha ah (sumallada), oo lagu daraa maqasha si aanay u dhicin in sabeenaha hanaqaaday iyo iduha ay seegtay markii hore amase dhiciyey, aanay si ka’ma ah u rimin, oo aanay u xagaa/jiilaal dhalin, oo aanay abaar kusoo

beegmin.
Halkaa waxaad ka fahmi kartaa muhiimadda ay leedahay go’aanka in sumalka idaha lagu sii daayaa iyo aqoonta ka danbaysa go’aankaas. Haddii tusaale ahaan uu odeyga beesha u aqoonyahanka ahi aanu ka fiirsan go’aankaas, waxaa laga yaabaa inuu xisaabtiisa qaldo waxaan wiig (toddoba cisho) ahayn, oo deedna ay iduhu dhalaan wiig kahor intaan gu’gu curanin, halkaan ay idaha iyo nayluhuba ku le’daan.

Xusuus reebka aqoonyanahnnada cilmidhegoodka ummaddeena
Waxaynu waraaqdan kusoo afjaraynaa xuska taariikhdii laba nin oo dhawaan ka baxay ummadda oo ka tirsanaa dadka fara-kutiriska ah ee wali ehelka u aqoon aqoonta aan qorneyn ee ummaddeena.
Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed – Afrikaani (?,? – Hargeysa, 2005)
Qoraa iga horreeyey ayaa yidhi “bulsho afrikaan ah marka uu odey ka geeriyoodo, waxay u dhigantaa laybereeri ka gubtay bulsho reer galbeed ah”. Fikirkani ma aha mid u gaar ah afrikaanka iyo reer galbeedka (western society), balse waa xaalad ay ku sugan yihiin bulshooyinka aqoontoodu ku salaysan tahay cilmidhegoodka (oral society), sida ummadda qaaradda afrika badankeeda, iyo kuwa aqoontooda ku gudbiya qoraalka, sida reer galbeedka. Qiimaha uu laybereerigu ugu fadhiyo bulshada aqoonteedu ku salaysan tahay qoraal waa kaydinta iyo isu gubinta aqoonta ee jiilalka kala danbeeya. Cilmidhegoodka waxa jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyaa tiraab xay ah. Haddaan odayga laga reebin aqoontiisa, wuu la dhintaa oo way luntaa; haddii uu laybereeri gubto waxaa ku shuf-beela cilmigii ku kaydsaanaa.
Waxaa dhawaan isoo gaadhay geeridii, Ilaahay (swt) ha u naxariistee, Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed oo ahaa aqoonyahan bartay cilmiga xiddigiska. Waxaan ka akhriyey warsidaha haatuf, caddadkii 811aad, in uu “ku caanbaxay cilmiga xiddigiska, …, wuxuu soo saari jirey maqaalo uu ka warramayo Saadaasha Sannadka ee Cilmiga Xidigiska. Sheekha oo da’diisu ahayd 60 jir waxa uu ifka kaga tegay xaas iyo carruur, balse taariikh nololeedkiisii oo faahfaahsan waxaanu idiinku soo gudbin doonaa caddadda soo socda, haddii Alle yidhaahdo”. Waxay ahayd 15kii Bildhurro-hore (Safar) ee sannadkan. Waxaan aad uga naxay geerida ninkan aanan aqoonta u lahayn ee maqalkeedu igu soo gaadhay si kama’ ah anigoo ku dhex jira qorista warbixinno ku saabsan cilmidhegoodka geeska afrika. Taxana warbixinahaas oo maqaalkani ku yahay afar, waxay ku aroorayaan cilmiga uu marxuunku ku takhasusay. Waxaan si degdeg ah dib ugu baadhay maqaaladii uu sannadihii tagay marxuunku ku qorey haatuf, oo aan ka baadahay mareegta haatuf.net. Waxaan ka helay laba maqaal oo aa u qiimo badan, oo aanan midna hore u arag ([Haatuf 21, 241]). Waxaan sugi kari waayay in haatuf ay soo qoraan aqoonyahankan taariikh- nololeedkiisii oo dhammaystiran. Waxaan isku ciil-kaambiyey in safaradaydii u danbeeyey ee aan Soomaliland ku tagay aanan la kulmin aqoonyahankan. Ilaahay (swt) ayaan qorin in aan la kulmo.
Caddadkii 813 ee haatuf waxaa kusoo baxay taaiikh-nololeedkiisii marxuunka. Haddaan soo koobo, Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed wuxuu ahaa injineer bartay cilmiga farsamada gacanta (mechanical engineer). Wuxuu ahaa xilhaye soo qabtay maamullo kala duwan oo madani ah. Wuxuu soo noqdey sarkaal ciidamada xoogga dalka ah. Wuxuu aqoon badan u lahaa diinta islaamka. Intaas iyo howlo kale oo intuu noolaa soo qabtayba wuxuu u lahaa magac iyo tilmaan gaar ah (Ing. Maxamed; Mayor Maxamed; Taliye ciidan Maxamed; Sheekh Maxamed, iwm). Balse waxa aanay dad badani u aqoon, magac gaar ahna aanu ugu lahayn, wuxuu ahaa aqoonyahan cimlidhegoodka geeska Afrika wax badan ka bartay. Markaan dib u akhriyey maqaaladiisii taxanaha ahaa ee “Odey ka sheekee”, ee uu kaga hadli jirey dabshidka moorada iyo meeraha sannadka [Haatuf 21, 241, 243]; markaan arkay sida uu isu barbar dhigay aqoonta cilmi- dhegoodka ummaddeena iyo tan adduunyada kale; markaan arkay sida uu uga taxaddiray xadka diinta islaamka; waxaan aqoonsaday in Maxamed Yuusuf Axmed, oo ku magac-dheeraa Afrikaani, uu ahaa aqoonyahan ka baxay ummadda Soomaliland iyo dhammaan geeska Afrika. Geerida aqoonyahankani waxay la mid tahay laybereeri inaga gutay. Waxaanse aad ugu farxay in aan maqlay in ay jiraan dhallinyaro isku dayday inay dabaqabateeyaan lumista aqoontaas oo
dhaxal kareebtay. Waxaan dhallinyaroy idinku dhiiri galinayaa inaad taladaa fiican eed ku kacdeen ka midha dhalisaan, waxaanaan idiinku ducayanayaa in Ilaahay (swt) idinku garab galo.
Waxaan Ilaahay (swt) uga barayaa in Maxamed Yuusuf Axmed uu naxariistii janno ka waraabiyo. Waxaan tacsi u dirayaa carrurtii, qoyskii, asxaabtii iyo ardeydii uu ka baxay marxuunku, Ilaahayna (swt) uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaan iyana tacsi u dirayaa aqoonyahanka Soomaliland, intii taqaanay marxuunka iyo inta aan aqoon u lahaynba. Waxaan baaq qaylo-dhaan ah usoo jeedinayaa in ciddii ah ama ka warhaysa aqoonyahanno marxuunkaas oo kale ah, in la is weheshado, la kala warhayo, oo aqoontan cilmidhegoodka ah ee si looma aayaan ah u lumaysa, una cidhib go’aysa, aynu isaga wada kaashan lahayn ururinteeda iyo madhxinteeda.

Xirsi Bahal Maxumaade (Dallaymaleh,1885c.a – Boorame, 1986)
Tuskan waxaynu ku eegaynaa taariikh nololeedkii yahan ka mid ahaa dadkii ugu aqoonta dheeraa cilmiga xiddigiska Geeska Afrika, Xirsi Bahal Maxumaade.
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal wuxuu ku tilmaamay in uu Xirsi yahay [ahaa] dhakhtar dhaqameed ku takhasusay aqoonta daawaynta, waxaana uu ku daray dadka fara ku tiriska ee ehelka u ah cilmidhegoodka xiddigaha iyo hawada ee ku salaysan saynis dhaqameedka. Muuse, Ilaahay labada naxariistii janno ha ka waraabiyee, wuxuu kula kulmay Xirsi magaalada Boorame [2].
Xirsi Bahal Maxumaade wuxu ku dhashay degaanka Dallaymaleh oo ka mid ah gobolka Soomaalida ee dalka Itoobbiya. Sida isaga laga soo wariyeyna, wuxuu ku qiyaasay in uu dhashay 1880naadkii. Xirsi wuxuu aaminsanaa in uu nasiib u helay in dhalashadiisa iyo barbaariddiisuba ay la kulmeen goor uu taabbagal yahay dhaqan Soomaaliyeed oo sooc ahi. Xirsi Bahal wuxu yaraantiisii ku tilmaannaa, oo loo lagu yiqiin waydiin, wardoon iyo raadin si uu barto xogta dhaqanka Soomaaliyeed siiba qaybta cilmiga xiddigaha iyo faalka.
Deegaanka uu Xirsi ku dhashay waxa ka jiray cilmidhegood qoto dheer socdayna muddo badan oo ay da’iba da’da ka dambaysa af ugu gudbinaysay. Waxa ku meersanaa oo uu dhex joogay qaar ka mid ah odayada horseedka u ah cilmidhegoodka oo ka haqab tiri jiray baahidiisa aqooneed. Ragga ku xeel dheera cilmidhegoodka iyo faalkaba oo ay ka mid ahayeen aabbihii, Bahal Maxumaade, abtiyaashii iyo awoowyadii ayaa u ahaa saldhigga barbaarinta aqoonta ee rukunka u aasay aqoonta Xirsi Bahal ee xiddigaha iyo faalkaba.
Inta badan dhaqanka Soomaalidu siduu ahaa xilligan uu hana qaaday Xirsi Bahal, wuxu ku kacaamay geeljirenimo. Siduu taariikhdiisa ku xusayna wuxu aqoonta xiddigaha iyo faalkaba ku layli baxay muddadii uu geeljiraha ahaa. “Waxa ii suura gashay”, ayuu yidhi, “inan u fiirsado xidhiidhka ka dhexeeya cimilada, dabaylaha, xiddigaha, dayaxa iyo wakhtiga lagu jiro”. Wuxu Xirsi Bahal goor walba adkayn jiray in aanay jirin “ifafaale kali taagan oo aanay saamayn ku lahayn ifafaalooyin kale ama kuwa u dhaw ama qaar ka dheer midday doonaan ba ha noqdaane. Dabaylahu waxay saameeyaan roobka, kulaylka iyo qabowga, waxayna sidaan farriin lagu garan karo sida xilligu noqon doono muddada soo socota”. Xirsi Bahal wuxu fahmay una fiirsaday sida ay isugu xidhan yihiin xilliga iyo xiddigaha. Wuxu odhan jiray “fadhiisinka xiddigaha iyo xilliga waxa ka dhexeeya xidhiidh, dhacdooyinkana samaantooda iyo xumaantooda waxa saameeya guriga xiddigaha qaarkood ay fadhiyaan wakhtigaas”. Xiddig waliba waxay u lahayd astaan lagu yaqaanno oo gaar ah sida colaad iyo dagaal, barwaaqo, abaar, socdaal, nagaasho, taran, cudur iwm.
Xirsi Bahal waxa kale oo uu si toos ah isugu xidhi jiray xiddigaha iyo faalka. Wuxu aaminsanaa faalku in aanu been sheegin haddii aan qofku been sheegin. Wuxu taas uga jeeday; faalku in uu u baahan yahay in qofka faalinayaa si toos u akhriyi karo ifafaalooyinka saamaynta ku leh oo dhan oo uu fahmo sida ay u kala saamayn wayn yihiin iyo saamayn walba waxa ka imanaya. Waxa kale oo uu adkayn jiray in dhaqanka qofka faalinayaa si wayn u saameeyo tayada faalka.Wuxu odhan jiray “Ma rumoobo faalka tuugga iyo beenaaluhu”. Iyadoo la doonayo in la ogaado qotada cilmiga faalka ee aqoonyahankani leeyahay ayaa magaalada Boorama ay saaxiibadii ugu tashadeen inay imtixaamaan. Waxay qodeen god dheer oo ay ku aaseen saxaro
dad ka dibna waxay u yeedheen Xirsi Bahal oo ay ku yidhaahdeen “haddaad faal taqaan sheeg godkan waxa ku jira”. Markuu Xirsi Bahal faalkii rogay ayuu saaxiibadii ku yidhi weedh ilaa maanta noqotay halhays, “Waar faalku sankuu haystaa”.
In kastoo uu geeljirenimo ku hanaqaaday haddana marnaba kama fogayn magaalo gaar ahaan muddadii ay da’diisu gaadhay 30 jir iyo ka dib. Taasina waxay u suuro galisay in uu arko sida ay u kala duwan yihiin dhaqanka miyiga iyo magaaladu. Wuxu goor walba tilmaami jiray inay magaaladu “u xaglinayso kali noolaasho oo uu yaraanayo wadaaggii iyo wax wada lahaadkii”. Waxa kale oo uu aad ugu fiirsan jiray in dadka magaaladu ay ka tegayaan dhaqankii runta ahaa ee Soomaalida wuxuna ku tilmaami jiray “Soomaali Qaawan”. Wuxu odhan jiray “qofku haddii aanu ku taagnayn raadkii dhaqankiisa waa qof qaawan”.
Ummad waliba waxay leedahay si gooni ah oo ay wax u aragto dhaqankuna waa aragtida dadka ee nolosha. Hadday dadku ka tagaan dhaqankooda, waxa ku bata is afgaran waaga iyo khilaafka maxaa yeelay waxay ka tegeen wixii ay isku af garanayeen”.
Xirsi Bahal wuxu ugu dambaystii degay magaalada Boorama. Inkastoo uu reer magaal noqday haddana kama tegin dhaqankii uu ku soo barbaaray. Wuxuu wax u cuni jirey, una labisan jiray sidii dhaqanka u ahayd oo wuxu xidhan jiray labadii go’ee caddaa iyo garba galihii. Wuxu aad uga gaabsan jiray inuu cuno bariiska iyo baastada magaalada oo ka jeclaa raashinkii asalka ahaa ee ku soo barbaaray sida garawga, kimista, caanaha, hilibka, shuurada iwm.
Xirsi Bahal wuxu geeriyooday 1986 bishii sebteember isagoo dhammaystay waysadii salaadda duhur wuxuna bilaabay in uu tukado maalintii uu 15 jirsaday. Ilaahay ha siiyo naxariistii janno.

By Jama Musse Jama

http://somalilandeconomic.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*